HomeAll newsDidbaxyo Ka Socda Muqdisho iyo Suuqa Bakaaraha oo Xiran Maalinkii Labaad.

Didbaxyo Ka Socda Muqdisho iyo Suuqa Bakaaraha oo Xiran Maalinkii Labaad.

Waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ka soconaya dibadbaxyo ballaaran oo ay dhigayaan dadka shacabka ah, kaasoo ay kaga soo horjeedaan lacagaha xad-dhaafka ah ee ay Dowladda Federaalka kusoo rogtay reer Muqdisho.

Kumanaan kamid ah reer Muqdisho ayaa saaka dhigayo dibad-baxyo ballaaran, waxaana bananabaxyadu kasoo billowdeen isgoyska Bakaaraha, iyagoo kusii fidaya isgoysyada KPP iyo Dabka.

Dadka ayaa ku qeyla dhaaminaya halkudhigyo ka dhan ah Dowladda Federaalka iyo hogaamiyaheeda Xasan Sheekh Maxmuud, waxayna codsanayaan in dib looga laabto lacagaha canshuuraha lagu sheegay ee lagu soo rogay.

Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu ganacsi ee ugu weyn Soomaaliya, kana mid ah suuqyada caanka ka ah Afrika, ayaa isaguna xiran maalinkii labaad oo xiriir ah, ganacsatada ayaana cabasho ka ah canshuurta cusub ee ay sheegtay Dowladda Federaalka iney qaadeyso.

Sawirro laga soo qaaday suuqa Bakaaraha ayaa muujinaya albaabada xarumaha ganacsiga oo xiran, waxaana tani ay saameyneysaa inta badan Soomaaliya, maadaama suuqu yahay goob ay ka xoogsadaan badi shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda ah Soomaaliya ka furmaya shir ay isugu imaanayaan xubnaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka, oo sheegay iney ka doodayaan canshuurta la dul dhigay shacabka.

Xillibaannada qaar oo maalintii shalay warbaahinta la hadlay ayaa canshuurahan ku tilmaamay kuwa baad ah oo sharci darro ah, shacabka ayayna usoo jeediyeen inaaney bixinin lacagahan.

Xillibana Xaraago, oo isaguna kamid ah Baarlamaanka Dowladda Federaalka, ayaa sheegay in shirkadaha Isgaarsiinta ee lagu aaminay lacagta umadda, ay masuul ka yihiin wixii gaara hantida loo dhiibtay, berina su’aal laga weydiin doono haddii ay ilaalin waayaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular