Gobalka Wajeer oo kamid ah dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Kenya ayaa waxaa kusoo badanaya, dilalka ay geysanayaan ciidamada Kenya iyo dadka Nasaarada ah, kuwaas oo ay kula kacayaan dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan gobalkaas.
Saacadihii lasoo dhaafay, waxaa gobalka lagu dilay nin kamid ahaa dadka degaanka oo ku sugnaa kaalin shidaal oo ku taalla Wajeer.
Qolyaha dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta, iyadoona illaa iyo hadda uusan jirin wax war ah oo kasoo baxay maamulka ay dowladda Kenya ka dhisatay mandiqadda.
Qaar kamid ah dadka degaanka ayaa ka hadlay falkaan, waxa ay sheegeen in maalmihii lasoo dhaafayba ay dilalku kusoo badanayeen gobalka, iyagoo tilmaamay in dilalka ay geysanayaan dadka Nasaarada Kenyanka ah ay ka caawinayaan qolyo Soomali ah.
Illaa iyo hadda majirto cid ay dowladda Kenya usoo qabatay dilalkaan, dadka ayaa ciidanka Kenya ku eedeeya iney iyagu ka dambeeyaan dilalka, iyadoo dhawaan ay askarta Kenya afduub iyo jirdil ugeysteen qaar kamid ah bulshada ku dhaqan dhulka NFD.