Aroorniamdii hore ee maanta oo Talaado ah, dowladda Ruushka ayaa weerar culus oo duqeymo ah waxay ka fulisay magaala madaxda dalka Ukraine ee Kiev.
Duqeymaha oo loo adeegsaday gantaallada ridada dheer iyo diyaarado drones ah, ayaa beegsaday goobo muhiim ah oo katirsan magaalada caasimadda ah ee Ukraine, waxaana geysteen waxyeello kala duwan.
Xukuumadda Ukraine ayaa shaaca ka qaaday in duqeymuhu ay geysteen waxyeello kala duwan, goobaha ugu badan ee ay saameysay ayaana ah warshadaha korontada, oo awalba daciif ahaa.
Deegaanno hoostaga magaalada Kiev ayaa xilligan ka go’antahay korontada, wararka qaarna waxay sheegayaan iney jiraan dad ku dhintay duqeynta Ruushka.
Wasaaradda dagaalka ee Ruushka ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay, iney beegsatay goobo muhiim ah oo katirsna magaalada Keiv, oo laga taageerayay ciidamada milliteriga Ukraine.
Duqeyntan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo ciidamada Ukraine todobaadyo ay ka dagaallamayaan gudaha Ruushka, xukuumadda Moskow-na ay awoodi la’dahay iney soo afjarto weerarkaas.