Waxaa isasoo taraya dalalka caalamka ee cambaareynaya weerarkii xoog ku galka ahaa ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fulisay habeen hore, maqaayad ay ku caweeyaan xubnaha Dowladda Federaalka oo ku taalla Xeebta Liido.
Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay howlgalkii Beach Veiw, iyadoo taczi u dirtay dowladda Federaalka, halka Maraykanka uu isaguna dhankiisa soo saaray bayaan cambaareyn ah.
Waxaa sidoo kale weerarkii Beach Veiw cambaareeyay midowga Yurub, halka ay bayaanaad kala duwan soo saareen dalalka Itoobiya, Turkiga iyo maamulka Aala-Sucuud.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii Beach Veiw ay ku dishey inkabadan 40 xubnood oo katirsan hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka, halka ay ku dhaawacmeen kudhawaad 90 xubnood oo kale.
Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda sheegtay iney xabsiga dhigtay saraakiil katirsan laamaha amniga, kuwaasoo su’aalo laga weydiinayo sida ay dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ugu suurogashey iney soo gaaraan Xeebta Liido, oo ay ka horeeyaan baro konotorool oo amni.
Ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre, ayaa sheegay iney xabsiga dhigeen saraakiil dhowr ah, oo ay ku tuhmayaan iney dayacaad amni sameeyeen, sida uu hadalka u dhigay.