Wafdi uu hogaaminayo Xasan Sheekh Madaxweynaha dowladda Federaalka, ayaa ku sugan magaalada Al-Qaahira ee caasimadda Masar, halkaas oo ay kula kulmeen masuuliyiinta Masaarida.
Siisi iyo Xasan Sheekh oo shir jaraa’id oo wadajir ah qabtay ayaa sheegay iney iskaashanayaan, sida ay warka u dhigeen. waaana wasiirada arimaha gaashandhiga ee Dowladda Federaalka iyo Masar ay kala saxiixdeen heshiis lagu sheegay iskaashi difaac.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah ololaha ballaaran ee uu Xasan Sheekh wado, kuna doonayo inuu gumeysi ku geliyo dalka, isagoo marba meel ka degaya caalamka, sheegayana in ilihii dhaqaale ee dalka loo gacan gelinayo dowlado Shisheeye, iyadoo la isku qarinayo heshiisyo iskaashi difaac loogu magacdaray.
Horey wuxuu Xasan Sheekh Maxmuud u siiyay dowladda Turkiga iney waxay doonto ka sameysato badda Soomaaliya, arinkaasna wuxuu marmarsiyo uga dhigtay in Turkiga ay Soomaaliya ka difaaceyso duullaanka Itoobiya, laakiin taas bedelkeeda Turkida ayaaba kasii shaqeyneysa sidii Itoobiya lagu siin lahaa badda Soomaaliya.