Iyadoo dhawaan ay dowladda Turkiga waday galaangal la xiriira sidii lagu kulansiin lahaa dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Itoobiya, ayaa Dowladda Federaalka waxay si rasmi ah u sheegtay iney Itoobiya siineyso qeyb kamid ah badda Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxmuud, oo dhawaan khadka teleefanka kula hadlay Ordogan, wuxuu si cad u sheegay inuu soo dhaweynayo ” iskaashi xaga horumarka ah” oo dhexmara Itoobiya iyo Soomaaliya, sida uu warka u dhigay.
Xasan Sheekh ayaa Ordogan u sheegay ineysan waxba ka qabin in iskaashi xaga dhaqaalaha ay la yeeshaan Dowladda Itoobiya, taasoo ah in Itoobiya la siiyo qeyb kamid ah badda Soomaaliya, iyadoo la huwinayo magaca heshiis iskaashi.
Dowladda Itoobiya, waxay dhankeeda sheegtay inaney marnaba ka tanaazuleynin sidii ay ku heli lahayd qeyb kamid ah badda Soomaaliya.
Iyadoo maanta dalka Turkiga ay ku kulmeen wasiirada arimaha dibadda ee Dowladda Federaalka iyo Itoobiya, ayay markale Dowladda Federaalka sheegtay iney diyaar u tahay in Itoobiya siiso badda Soomaaliya qeyb kamid ah.
Halkan ka dhagayso Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Daa’uud Aweys