Waxaa soo ifbaxay khilaaf horleh oo u dhexeeya Xukuumadda Adis Ababab iyo kooxda Tigreega ee TPLF, taasoo horaan dagaal culus ula gashey dowladda, kaasoo markii dambe kusoo dhamaaday heshiis iyo is-afgarad.
Wasiirka Isgaarsiinta dalka Itoobiya ayaa ku eedeeyey Jabhadda TPLF, iney ka shaqeyneyso sidii ay u fashilin lahayd heshiiskii Pretoria, kaasoo soo afjaray colaad labo sano u dhexeysay Xukuumadda Abey Axmed iyo kooxda Tigreega.
Legesse Tulu oo ah wasiirka arimaha Isgaarsiinta Itoobiya ayaa qoraal uu soo dhigay barta Facebooka, wuxuu ku sheegay in kooxfa TPLF ay ku howlantahay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo aaney aqoonsaneyn xukuumadda Adis Ababa, taasina ay halis gelineyso heshiiskii nabadeed ee ay horey labada dhinac u wada gaareen.
” Tani waxay gilgileysaa amniga aan cagaha badan ku taagneyn ee ka jiray gobolka Tigrey, wixii dhacana waxaa masuuliyadeeda qaadanaya kooxda TPLF” ayuu yiri wasiirka arimaha Isgaarsiinta dalka Itoobiya.
Kooxda TPLF, ayaa dhawaan iska diiday warqad uu soo saaray gudiga doorashada qaranka Itoobiya, taasoo lagu sheegay in xisbiga TPLF loo diiwaan gelinayo inuu yahay xisbi siyaasadeed cusub. Hadda waxay kooxdu u fadhisaa shir lix maalmood soconaya, kaasoo looga arinsanayo mustaqbalka Tigreega, inkastoo kulankaas ay diideen madaxweynaha ismaamulka Tigreega iyo ku xigeenka xisbiga.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abey Axmed, ayaa dhawaan wuxuu sheegay in dhaq-dhaqaaq kasta oo siyaasadeed oo ay sameyso TPLF, iyadoo aan la diiwan gelin ay ka dhigantahay hurin dagaal, mar kalan uu loolan ka billaabmi karo wuqooyiga dalka Itoobiya.