HomeAll newsDuruusta Duullaankii ama Qazwadii Xuneyn. .

Duruusta Duullaankii ama Qazwadii Xuneyn. [Dhagayso Warbixin].

Duulaankii Xuneyn oo sido kale loo yaqaan Awdaas, waa mid kamid ah duulaanadii uu hogaamiyay Rasuulka ﷺ, laga soo bilaabo Sannadkii 6-aad ee hijriyada, illaa laga soo gaaro Sannadkii 8-aad ee hijrada Nabiga, waxaa is raac raacay xilligaas dhacdooyinka ka dhacay Xuneyn ama Awdaas, oo udhaxeeya Makkah iyo Daa`if, waana sababta magacyadan loogu bixiyay duulaankan, magacyada kale ee loo yaqaano qazwadan waxaa kamid ah, Hawaazin, waana ayadoo loo nisbeynayo qabiiladan, dagaalka dhinac kaga jirtay, hadaba muxuu yahay sababka keenay iney dhacdo qazwadan, maxay yihiin dhacdooyinka waa weyn ee dhacay intii uu socda  duulaanka, maxaysa tahay duruusta laga barankaro, dagaalkii Xuneyn.

Sababaha keenay inuu Dhaco Duulaankii Xuneyn.

Marka laga hadlayo sababaha keenay iney dhacdo Qazwadii Xuneyn, waxay sheegeen culimada Siiradu, in Nabiga ﷺ markii uu dhameeyay furashadii magaalada Makkah, oo ay Islaameen dadkii deganaa badkood, in qabiilada Hawaazin iyo Thaqiif ay bilaabeen iney wufuud isku diraan, una kulmaan la dagaalanka Muslimiinta, waxay isku raaceen iney Nabiga ﷺ iyo ciidanka uu hogaaminayo dagaal ku qaadaan.

Ciidamo ayey aruuriyeen, xad-gudubna way sameeyeen, ayagoo waliba oranaya, Muxammad ﷺ waxa uu la kulmay dad aan dagaalka waxba ka garaneyn, si ay dadkooda dagaalka ugeliyaan, waxayna goa,aansadeen iney dagaalka ayagu ku bilbaan, Rasuulka ﷺ iyo ciidanka Muslimiinta, wixii ay awood lahaayeena way isku geeyeen.

Kahor inta uusan bilaaban dagaalka, qabiilka Hawaazin waxay qalinka ku duugeen iney hogaan ka dhigtaan, Maalik Binu Cowf, xilliga ay qabiilkani ku baaqayaan iney la dagaalamaan Muslimiinta, waxay dadku diinta Allaah usoo gelayeen koox koox, ayaga iyo inta raacsanna wuxuu Allaah qadaray, iney ka qadsanadaan Nimcadaas oo ay usoo banbaxaan, iney la dagaalaan Rasuulka ﷺ iyo Muslimiinta, si Allaah uu halkan arrin uga muujiyo, Nabigiisana ay ugu noqoto xoojin, Muslimiintuna ay uheelaan qanaa`im, maadaama ay Allaah uga mahadnaqeen furashadii Makkah.

Waxaa kale oo uu Allaah doonay inuu muujiyo, in Rasuulka ﷺ iyo adoomihiisa Mu`miniinta, ay ka sare maraan xagga qawadda qabaailkan awoodda isbidaya, waxa ayaga ku dhacana ay waano unoqaan dadka kale ee ayaga ka dameeya, si uusan mar dambe Nabiga ﷺ uga hor imaan qof Carab katirsan.

Way soo dhaqaaqeen labadii Qabiil ee Hawaazin iyo Thaqiif, dhanka Makkah ayey usoo jiheysteen, ayagoo wata 4,000 oo kamid ah kuwii ugu geesisanaa, waxayna degeen waadiga Xuneyn, waxay  goobta dagaalka la yimaadeen haweenkooda, caruurtooda iyo hanti wixii ay lahaayeen, waxaana kula taliyay iney sidaasi sameeyaan, hogaamiyahoodii Maalik Binu Cowf, oo arrintaasi u arkay iney keenikaro, inuusan qofna ka cararin goobta dagaalka, maadaama waxa hareerihiisa ka muuqda ay yihiin, intii uu ilaashan lahaa.

Dhacdooyinkii Waa Weynaa ee Dhacay Intii Lagu Gudajiray Duulaankii Xuneyn.

Kadib markii uu Nabigu ﷺ helay Khabarkooda, wuxuu u arkay ineysan habooneyn, inuu kula dagaalamo Xaramka iyo hareerihiisa, waxaana xilligaasi la socda  Rasuulka ﷺ 2,000 oo ah dadkii reer Makkah ee dhawaan soo Islaamay, iyo 10,000 oo ah ciidankii Muslimiinta ee furtay Makkah, Saxaabada qaar ayaa la yaabay tira badnidooda, waxayna dhaheen maanta waan dagaalameynaa, tiro yarina naloogama adkaanayo, waxaana soo degtay aayaddan lagu tawjiihinayo Saxaabada, loogana digayo iney ku hadlaan oraahdii maalinkii Xuneyn……. Aayad.

Kaamaa`inkii Cadawga iyo sida uu ku bilowday dagaalka.

Cadawgu waxay Muslimiinta u dhigeen weeraro dhabbagallo ah, kuwaasoo ka dhacay tog ciriiriya oo ay ku diyaarsanaayeen gamuunleydii Mushrikiinta, markii qeybtii ugu horreysay ee kamid ah ciidankii Muslimiinta soo gaareen halkii ay kamiinka uga jireen, oo u badnaa dadkii dhawaan soo Islaamay iyo dhalinyaro aan tababar fiican ka heysan sida looga gaashaanto fallaaraha, ayey halmar cadawgii bilaabeen iney roob uga dhigaan Leebab, markaas ayey ciidankii Muslimiinta badankood bilaabeen iney cararaan islamarkaana dhabarka jeediyaan, marka laga reebo tiro ku dhaw 100 oo kamid ah Nabiga ﷺ iyo Saxaabada oo dhabar adeegay, una adkeystay dagaalka.

Halkan ka dhagayso Warbixinta Duruustii Duullaanka Xuneyn oo dhameystiran.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular