Horraantii bishaan Augusto waxaa halka loo yaqaanno buurta Gacan-libaax ee ku taalla inta udhexeysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera lagu dilay, askari katirsanaa maamulka la baxay Soomaliland.
Ehellada askariga la dilay oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay, in aysan marnaba qanci doonin illaa lasoo qabto ciddii dishay wiilkooda.
Waxa ay tilmaameen ineysan diyo qaadan doonin, wararka la sheegayo ee ah in ay diyo qaateenna ay yihiin waxba kama jiraan.