Falanqeeye katirsan Xarunta diraasaatka ee Sahan Research, laguna magacaabo Matt Bryden, ayaa sheegay in weerarkii Beach Veiw uu muujinayo in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weli u awood leedahay fulinta howlgallo waaweyn, weerarkaasna ay dhici karto inuu billow u yahay howlgallo waaweyn oo soo socda.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in sirdoonka Dowladda Federaalka iyo ciidankeedaba aanu sugi karin amniga caasimadda Muqdisho, haddii ay ciidamada Shisheeye isaga baxaan wadanka oo dhanna ay dhici karto in amnigu faraha kasii baxo.
Wuxuu la hadlayay telefeshinka Aljazeera qeybta Englishka.
Hadaba waxaanu idin soo gudibneynaa tarjmada nuxurka warka falanqeeyahan katirsan xarunta Sahan Research ee ka faalloota arimaha amniga iyo siyaasadda geeska Afrika.
Matt Bryden- Falanqeeye katirsan xarunta Sahan Research- Tarjamo