Kiiskii ugu horreeyay ee cudurka loo yaqaan Furuqa Daanyeerada ayaa laga helay, magaalo katirsan dhulka Soomaaligalbeed ee ay Itoobiya gumeysato.
Magaalada Qabri-bayax oo katirsan dhulkaasi Soomaaligalbeed ayaa laga helay qof qaba cudurkan.
Kiisankan yaa la sheegay inuu yahay, kii ugu horreeyay ee laga helo dadka ku nool dhulka Soomaaligalbeed.
Cudurka Furuqa Daanyeerada ayaa waayadii ugu dambeysay ku fidayay qaaradda Afrika, wuxuuna asalka cudurkan kasoo billowday dalka Koongo.
Halkan ka dhagayso Cudurka Furuqa Daanyeerada oo soo gaaray Soomaali-galbeed.