Ciidamada dowladda fedaraalka ayaa gadiid ay leeyihiin dad shacab ah oo ay baad ka rabaan waxa ay ku xayireen duleedka Muqdisho.
Illaa 15 gaari oo wada konteennaro ay ku raran yihiin raashin iyo agabyo kale, ayaa waxa ay muddo ka badan 24 saacadood ku xayiran yihiin degaanka Siinka-dheer ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho.
Askarta ayaa halki gaari waxa ay ka rabaan lacag dhan 150$, taas oo sababtay in la xayiro gaadiidkaan.
Agabka ay gaadiidku wadaan ayaa ku wajahan degaanka Ceelasha-biyaha iyo degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose.
Ibaarooyinka ay dhigteen ciidamada dowladda fedataalka ee uyaalla duleedka Muqdisho iyo gudaha caasimadda ayaa ah kuwa xad dhaaf ah, kuwaas oo ay dhibaatooyin kala duwan ku qabaan gaaadiidleyda iyo dadka caadiga ah.