Koox Burcad oo Koonfur Afrikaan ah ayaa boobay dukaan uu leeyahay Ganacsade Soomaaliyeed oo ku yiilay, tuulada Sooweeto oo qayaastii 30 Kiilow mitir u jirta, magaalada Joohaanisbeeg ee wadanka Koonfur Afrika.
Burcadan oo la fahmay falka ay usocdaan kahor inta aysan dhaca geysan, ayey ka hortageen ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool, kadibna waa ay soo bateen burcaddii waan ay isugu tageen, waxayna boobeen hal dukaan oo wixii yiilay ay uqebsameen, wax ay burcaddu qaateen iyo kuwa burburay.
Qaar kamid ah dadka ganacsatada ah ee Soomaaliyeed oo ku nool Koonfur Afrika ayaa arrinta kusoo baxay, waxayna halkaasi kula hadleen warbaahinta.
Halkan ka dhagayso boobka loo geystay ganacasade Soomaali ah.