Aroonmiadii maanta waxaa magaalada Ceerigaabo ee uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaliland lagu dilay nin ganacsade ah.
Ninka ganacsadaha ah ee la dilay ayaa la sheegay in lagu magacaabijiray Cumar San-jocor, wuxuuna dilkiisu si gaar ah kaga dhacay suuqa magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.
Lama xaqiijin cidda sida rasmiga ah uga dambeysay dilka ninkan oo dhacay aroornimadii hore ee maanta sida warbaahintu soo tebineyso.
Dhinka kale xiisad dagaal oo dhalantay dilalka loo geysanyo dadka shacabka ah ayaa ka taagan guud ahaan magaaladaasi, waxayna wararku sheegayaan iney halkaasi isku horfadhiyaan koox hubeysan oo sida la sheegay kasoo horjeeda dilalka ka dhacaya Ceerigaabo iyo ciidamada maamulka laa baxay Soomaaliland oo dhinac ah.