Waxaa dalka Koonfur Afrika lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed, kaasoo ku biiraya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida gardarada ah loogu dilo dalka Koonfur Afrika.
Dilka muwaadinkan lagu magacaabo Cali Axmed, ayaa waxaa geystay kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah, oo sida muuqata doonayay iney dhacaan hantidiisa.
Waxay ku hubeysnaayeen bastoolado, ehellada ninka la dilay ayaana xaqiijiyay geerida Cali, oo ay xabaddu kaga dhacday qeybaha sare ee jirkiisa.
Koonfur Afrika, wuxuu kamid yahay wadamada ay ku suganyihiin Soomaali badan, ayna kula kulmaan dhibaato joogta ah, iyadoo la doonayo in la dhaco xoolaha iyo hantida ay dalkaas ku leeyihiin.