Dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa maalintii shalay iska diiday, iney caasimadda ka dhaqangasho canshuurta cusub ee Dowladda Federaalku dooneyso iney marsiiso dadka rayadka ah.
Waxay Dowladda Federaalka isku dayday iney xeelad u isticmaasho shacabka, iyadoo ka dhigeysa iney ganacsatada oo kaliya lacag ka rabto, hase ahaatee waa lagu fahmay, dad badan ayaa ku baraarugay dhagarta DF ay maleegtay, waxayna si adag uga hor yimideen iney bixiyaan cashuurtaas.
Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya, iyo suuqyada kale weyn ee Muqdisho, ayaa maalintii shalay inta badan la furin ganacsiyadii ku yiilay, waxayna ganacsatadu diideen iney bixiyaan cashuurta qasabka ah ee Dowladda Federaalka.
Halkan ka dhagayso Go’aanka reer Muqdisho iyo Ganacsatadooda.