Ganacsatada Kenya ayaa kasoo horjeestay canshuuro horleh oo ay kusoo rogtay dowladda dalkaas.
Dowladda Kenya ayaa qaaday tallaabo kale oo ay canshuuro ugu soo rogeyso ganacsatada udhashay dalkaas, taas oo dhalisay iney dalka ka dhacaan dibad-baxyo horleh.
Xukuumadda Nairobi ayaa canshuur kusoo rogtay iibinta dalaga gudaha, taas oo ay ganacsatadu sheegeen iney ka hor imaaneyso heshiisyada ganacsiga.
Gaadiidleyda iyo wakiillada dhoofinta ee dalka Kenya ayaa xukuumadda gaar ahaan wasaaradda beeraha usoo jeediyay iney dib u eegis ku sameyso arrintaan.
Dowladda Kenya ayaa ku hanjabtay iney lacag ganaax ah ka qaadi doonto ciddii diidda canshuurtaan cusub, taas oo bansiin kusii shubeysa xaaladaha adag ee ka taagan dalkaas, sarana usii qaadeysa iney xoogeystaan dibad-baxyada.