Maalintii shalay ganacsatada gobalka Banaadir ayaa kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen waxa ay kaga hadleen, dhibaatooyin ay kala kulmayaan dowladda fedaraalka.
Waxa ay sheegeen in caqabado iyo culeysyo adag ay in muddo ah kala kulmayaan, hey’ado katirsan dowladda fedaraalka oo lacago xad dhaaf ah ka qaada badeecadaha ay kasoo dajistaan dekadda Muqdisho.
Waxay kaloo walaac ka muujiyeen lacagaha ay dowladda fedaraalka ka jaraneyso dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho.