Iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii xoogeysaneyso cabashada ka imaaneysa bulshada magaalada Muqdisho, ee la xiriirta mashaariicda dhaqaale uruursiga ah ee ay soo rogeyso Dowladdla Federaalka, ayaa dadka sida adag u cabanaya waxaa kamid ah ganacsatada Muqdisho.
Ganacsatada ayaa sheegay in lacagaha canshuurta ee siyaadada ah marka laga yimaado, looga qaado dekadda lacago tiro badan oo midba magac loo sameeyay.
Ganacsatada Muqdisho ayaa tilmaamaya in masuuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, ay soo rogteen mashaariic dhaqaale sameys ah, oo dhabarka laga saaray ganacsatada, wax soo saarkoodana uu khasaaray kala bar.
Halkan ka dhagayso cabashada ganacsatada Muqdisho.