HomeAll newsGanacstada Gobolka Banaadir oo Ku Dhawaaqay Shaqo Joojin Rasmi ah.

Ganacstada Gobolka Banaadir oo Ku Dhawaaqay Shaqo Joojin Rasmi ah.

Ganacsatada magaalada Muqdisho, ayaa kulan ay yeesheen waxay kusoo saareen bayaan dhowr qodob ka kooban, oo ay kaga cabanayaan go’aankii kasoo baxay Dowladda Federaalka ee ahaa in la canshuurayo adeegyada lacag dirista Mobile-da.

Ganacsatada ayaa sheegay iney go’aan ku qaateen iney gebi ahaanba shaqo joojin sameeyaan laga billaabo maalinta berri oo Axad ah kuna beegan 18-ka Agosto.

Waxay sidoo kale ganacsatadu sheegeen iney hakiyeen in dekadda magaalada Muqdisho kala soo degaan badeecado, ama ay kasoo saartaan kuwa iminka u yaala, illaa dekadda laga saarayo shirkadaha lacagaha baadda ah ka qaada ganacsatada.

Shirkadaha bixiya adeega Isgaarsiinta ee ogolaada in sifo aan sharci ahayn lagu qaato lacagaha, ayay ganacsatadu waxay go’aan ku qaateen iney lacagahooda kala baxaan.

Go’aanka kasoo baxay ganacsatada gobolka Banaadir ayaa imaanaya, iyadoo dhawaan Dowladda Federaalka ay shaacisay iney canshuureyso lacagaha la isugu diro adeegyada Mobile-ka, taasoo ka yaabisay dad badan.

Ganacsatada waxaa sidoo kale u dheer, in lacago xad dhaaf ah oo aad u badan looga qaado dekadda magaalada Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular