Fadhi ay isugu yimaadeen waxa loogu yeero Golaha Ammaanka, ayay ku ogolaadeen in howlgalka ATMIS ee uu sii socdo tan iyo bisha December ee sanadkan 2024-ka, iyagoo dhanka kale su’aalo ka keeney warkii dhawaan kasoo baxya Midowga Afrika.
Golaha Ammaanka, ayaa sheegay iney u baahanyihiin tafaasiil iyo qorshaha rasmiga ah ee howlgalka cusub ee ay midowga Afrika sheegeen in dalka Soomaaliya ka billaabyaaan sanadka 2025-ka.
Hadalkan ayaa u muuqda mid aan farxad gelineynin Dowladda Federaalka, maadaama ay dareemeyso ineysan Shisheeye la’aan joogi karin Muqdisho, howlgal weliba oo bilaabanayana uu u baahanyahay inuu maalgelin ka helo Qaramada Midoobay.
Halkan ka dhagayso Warka kasoo baxya Qaramada Midoobay.