Sheekh Axmed Abuu Yoonis, oo ah waaliga wilaayada Islaamiga ah ee Jubbada Hoose, ayaa dhawaan booqasho ku tagay deegaannada Harboole iyo Miido, oo kamid ahaa goobihii marti geliyay dagaallada waaweynaa bishan Muxarram 1446.
Waaliga ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay odayaasha dhaqanka ee gobolka, waxaana labada deegaan ee ay booqashada ku tageen isaga cararay ciidamadii Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka labaxay Jubbaland ee dhawaan halkaasi gaaray.
Sheekh Axmed Abuu Yoonis ayaa saxaafadda kula hadlay labada deegaan, iyadoo sidoo kale odayaasha kamid ahaa wafdigana ay muujiyeen dareenkooda farxadeed ee ku aadan dagaallada ka dhacay goobaha ay tageen.
Halkan ka dhagayso Wafdiga Waaliga iyo Odayaasha dhaqanka.