HomeAll newsGudoomiye ku Xigeenkii Maaliyadda ee Baladweyne oo la Dilay.

Gudoomiye ku Xigeenkii Maaliyadda ee Baladweyne oo la Dilay.

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa ku waramaya, in gudoomiye ku xigeenkii maaliyadda ee magaaladaas Cabdi Sahal Shuuriye Xuseen xalay lagu dilay gudaha Baladweyne.

Waxaa gudoomiye ku xigeenka dilay kooxo burcad ah oo hubeysan, kuwaas oo doonayay iney ka dhacaan Mobile uu watay, sida ay soo tabisay warbaahinta gudaha ee magaaladaasi.

Isagoo dhaawac garaab ah ayaa loola cararay isbitaal ku yaalla magaalada Baladweyne, balse ugu dambeyn waxa uu ugeeriyooday dhaawacii soo saaray.

Tani ayaa muujineysa heerka uu gaaray dhaca ay askarta DF iyo Maleeshiyaadka hubeysan ka wadaan magaalada Baladweyne, taas oo mareysa in aysan xittaa ka badbaadin xubnaha DF ee ku sugan magaaladaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular