Maamulka la baxay Galmudug ayaa xilka ka qaaday gudoomiyihii ugu magacawnaa degmada Xarardheere ee gobalka Mudug.
Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka la baxay Galmudug ayaa lagu shaaciyay in xilkii laga xayuubiyay gudoomiyaha, islamarkaana mid cusub loo magacaabay.
Balse waxaa arrinkaasi si kulul kaga soo hojeestay guduumiyaha xilka laga qaaday ee degmada Xarardheere.
Hadalka kasoo yeeray maamulka la baxay Galmudug ayuu ku tilmaamay mid xanuunsan, isagoona sheegay in maamul awoodi la’ inuu Xarardheere yimaado uusan waxba ka qaadi karin.