HomeAll newsHaweeney Bahda Caafimaadka Katirsan oo Kufsi iyo Dil Loogu Geystay Hindiya.

Haweeney Bahda Caafimaadka Katirsan oo Kufsi iyo Dil Loogu Geystay Hindiya.

Dalka Hindiya waxaa dhawaan kufsi iyo dil loogu geystay haweeney katirsaneyd bahda caafimaadka ee dalkaas.

Waxaa dalkaan wali ka socda dibadbaxyo xooggan oo ay dhigayaan qolyaha caafimaadka, kuwaas oo ay kaga soo horjeedaan dilka loo geystay haweeneyda dhaqtaradda aheyd.

Waxa ay tilmaameen ineysan joojin doonin isku soo baxa, iyagoona ku dhawaaqay shaqo joojin iyo in dhamaan adeegyada caafimaad laga joojiyo isbitaallada muddo isbuuc ah.

Dhammaan dhaqaatiirta Hindiya ayaa kusoo biiray dibadbaxa, iyagoona diiday iney gurmad caafimaad ufidiyaan dadka illaa xaaladaha degdegga ah maahane.

Haweeneyda ayaa falka kufsiga iyo dilka ah loogu geystay gudaha isbitaal ku yaalla magaalada Kalkoota ee dalka Hindiya, halkaas oo ay ka shaqeyneysay.

Boliska Hindiya ayaa xabsiga dhigay, mid kamid ah kalkaaliyayaasha caafimaadka ee isbitaalka, kaas oo lagu tuhunsan yahay inuu falkaan geystay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular