Shilkan oo dhacay abbaaro 07:00 subaxnimo ee daraad, ayaa wuxuu ka dhashay isku dhaca labo gaari oo midkood ahaa Xamuul, halka midka kalena ahaa baabuur nooca yar yarka ah.
Waxaa la sheegay inuu si gaar ah kaga dhacay wadada weyn ee udhaxeysa, magaalada Nairobi iyo ismaamulka Nakuru, inkastoo aan la cadeyn waxa sababay.
Ugu yaraan 5 ruux ayaa la sheegay iney ku dhinteen, kuwaasoo ka koobnaa haweeney iyo 4 caruur ah oo ay dhashay, waxayna naftu uga baxday goobta uu shilku dhacay.
Qof kale oo rag ah ayaa isaguna ku dhaawacmay shilka, kaasoo la dhigay xarun caafimaad, halka 5-ta qof ee dhimatayna la geeyay qolka meydka.
Wadanka Kenya waxaa aad ugu badan shilalka gaadiidka, kuwaasoo soo laalaabta marwaliba.