Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaaday, fariisimo ay askarta shisheeye iyo kuwa dowladda fedaraalka ku leeyihiin degmooyin iyo degaanno katirsan goballada dalka.
Waxaa habeenkii xalay weerar lagu qaaday, xero ay ciidamada shisheeye gaar ahaa kuwa Uganda ay ku leeyihiin degmada Jannaale ee gobalka Sh-hoose, iyo saldhigga askarta dowladda fedaraalka degaanka Jaziira oo dhaca duleedka Muqdisho,
Sidoo kale waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab xalay weerar ku qaadeen, xero ay askarta dowladda Xabashida Itoobiya ku leeyihiin degmada Xudur ee gobala Bakool.
Isla Bakool waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku qaadeen, fariisin ay askarta maamulka koonfur-galbeed ku leeyihiin degmada Waajid.
Weerar kale oo ka dhacay duleedka Waajid ayaa lagu soo furtay mooto uu lahaa sarkaal taliye urur ah oo katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed.