Saacadihii aynu kasoo gudubnay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fuliyay silsilado weeraro ah oo lagu beegsaday ciidamada Dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo kuwa Shisheeyaha ee duullaanka ku jooga dalka.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weerar ku qaaday, fariisin ay askarta dowladda fedaraaalka ku leeyihiin xerada loo yaqaanno Buurta ee ku taalla degmada Balad-xaawo ee gobalka Gedo.
Dhinac kale, askari katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed ayaa lagu dhaawacay, weerar ay xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen xaafadda Horseed ee magaalada Beydhabo.
Sidoo kale waxaa xalay la weeraray, farisinka ay askarta Xabashida Itoobiya ku leeyihii degmada Diinsoor ee gobalka Baay, iyo saldhigga askarta Koonfur-galbeed kaga sugan yihiin degaanka Goof-gaduud Buurey oo dhaca duleedka magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay.