Wargeyska Newyork Times ee kasoo baxa dalka Maraykanka, ayaa daabacay warbixin uu kaga hadlayo in dowladda Iiraan ay wado dhaq-dhaqaaqyo ay ku dooneyso iney hub kaga gasho dalka Ruushka, taasoo qeyb ka ah diyaar garowga dagaalka.
Wargeyska oo soo soo xiganaya masuuliyiin katirsan dowladda Iiraan, ayaa sheegay in dowladda Iiraan ay Ruushka ka dalbtay hub casri ah gaar ahaan nidaamka difaaca hawada, taasoo qeyb ka ah diyaar garowga dagaal ay la geli karto Yahuudda xooga ku heysata dhulka Filastiin.
Maalintii shalay oo Isniin ahayd, waxaa magaalada Tehraan si lama filaan ah ku yimid xoghayaha guud ee golaha amniga qaranka Ruushka, kaasoo kulamo gaar ah la qaatay masuuliyiin katirsan dowladda Iiraan.
Sida warbixinta Newyork Times tilmaameyso, waxaa durba xukuumadda Moskow ay ku wareejisay dowladda shiicada ah ee Iiraan nidaamyada difaaca hawada oo kuwa casri ah.
Xaalad hubanti la’aan ah ayaa ka taagan mandiqadda loogu yeero bariga dhexe, waxaana muuqaneysa saan-saan colaadeed, iyadoo Maraykanka iyo dowladaha reer galbeedku muujinayaan walaac la xiriira amniga Yahuudda ee xooga lagu dejiyay bartamaha caalamka Islaamka.