Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa ku waramaya, in roobab xoogan oo daadad wata ay ka da’een qeybo kamid ah wadanka, kuwaasoo sababay dhimashada dad badan iyo barakaca boqollaal ruux.
Ugu yaraan 45 ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen roobabkan xoogan ee daadadka wata ee ka da’ay Yemen, sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobay ee dalka Yemen iyo gudoomiyaha gobolka Al-Xudeyda ee taabacsan maamulka Xuuthiyiinta.
Marka laga yimaado dhimashada ka dhalatay roobabkan daadadka wata, waxaa guryahooda ka barakacay ugu yaraan 500 oo qoys, kuwaasoo guryihii ay degnaayeen uu daadka qaaday.
Gobolka Taciz ee koonfurta Yemen ayaa isaguna kamid ah meelaha ay sida daran uga da’een roobabka daadadka wata, waxaana lasoo warinayaa in roobabku saameyn ku yeesheen kumanaan qoys.
Dalka Yemen oo ay waadiyaal maraan ayaa xilli roobaadka gaar ahaan marka ay roobabku xooganyihiin, waxaa ka dhaca daadad saameyn ku yeesha dadka, qulqulka biyaha ayaana qaaday gawaari, guryo iyo xitaa dad nool.