Wararka ka imaanaya dalka Uganda ayaa ku waramaya, in iska hor-imaad dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay gudaha dalkaas.
Ugu yaraan hal ruux ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay, 2 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay dhul beereed ku yaalla Mandiqadda Tororo ee dalka Uganda.
Weerarka oo udhexeeyay beelo wada dega mandiqadda ayaa lasoo sheegayaa, in markii hore ay billaabeen qaar kamid ah dadka ku dhaqan mandiqadda Tororo, kuwaas oo weerar ku qaaday degaan dhaca woqooyi-bari ee dalka Uganda, gaar ahaan xuduudda uu gobalkaani la wadaago mandiqadda Bodama.
Labada ruux ee ku dhaawacantay weerarka ayaa laga deyrinayaa xaaladooda caafimaad, maadaama ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, kuwaas oo iminka lala tacaalayo xaaladooda.
Waxaa gabi ahaanba istaagay dhulbeeriddii ka socotay mandiqadda oo caan ku ah in lagu beero Bariiska, waxaana markii uu dagaalka dhacay kadib ay kooxo toogo ah boob iyo bililiqo ka geysteen aaggaas.
Dadka degaanka ayaa sheegay, in xaaladdaan ah hakinta beerashada ay socon doonto, illaa laga helayo xal waara oo ku aaddan colaadda ka dhex aloolsan labada beelood.