Dowladda Itoobiya ayaa lasoo warinayaa iney boob ku heyso xoolahaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Xabashida.
Waxaa boobkaan iyo bililiqada geysanaya ciidamo katirsan dowladda Xabashida Itoobiya, gaar ahaan kuwa loo yaqaanno Finaas.
Degmada Qabri-bayax oo kamid ah dhulka Soomaali-galbeed ayaa la sheegay in ay ciidankaani ka kaxeysteen boqolaal neef oo ay lahaayeen xoola dhaqato iyo ganacsato ku dhaqan degmada.
Dhulka Xabashida ayaaa la sheegay iney ula dhaqaaqeen xoolahaan ay ka dhaceen dadka Soomaaliyeed, iyadoo loo badinayo iney ku biirin doonaan xoolo ay horay degaanka uga dhaceen.
Halkan ka dhagayso Boobka Itoobiya ku heyso Xoolaha Shacabka Soomaali-galbeed.