Qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Xabashida Itoobiya ayaa ka hadlay, xadgudubyo ay kala xulmayaan Xabashida.
Waxa ay sheegeen in gumeysiga ay dowladda Itoobiya ku heyso bulshadaas uu sii xoogeystay.
Haweenka Xabashida ah ayay shaaca ka qaadeen in ganacsigooda uu xur yahay, kana keenaan Adis-abab iyagoo u iib geynaya dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Xabashida, halka ganacsiga haweenka Soomaalida ay Itoobiya ka dhigtay mid mamnuuc ah oo ay ku sifeysay kotorobaan.
Waxay kaloo tilmaameen in ardayda Soomaalida ah ee dhigata jaamacaha ay ku dhigtaan si dullimino ku dheehan tahay.
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa dhibaatooyin kala duwan ka wada dhulka Soomali-galbeed ee ay gumeysiga ku heysato, dhawaan ayayna aheyd markii ay xabsiga dhigeen in ka badan 10 ruux, ayna dhaceen xoolo ay lahaayeen bulshada Soomaalida.
Halkan ka dhagayso Cabashada shacabka.