HomeAll newsItoobiya oo Diidan ka Laabashada Heshiiskii Badda ee ay la Gashey Maamulka...

Itoobiya oo Diidan ka Laabashada Heshiiskii Badda ee ay la Gashey Maamulka Soomaaliland.

Waxaa weli magaalada Ankara ee caasimadda wadanka Turkiga ka soconaya, wadahadallo ay garwdeyn ka tahay dowladda Turkiga, kaasoo lagu doonayo in Itoobiya lagu siiyo qeybo kamid ah badda Soomaaliya.

Wufuuda ka kala socota dowladda Federaalka iyo Itoobiya ayaa ku sugan labo hotel oo ku kala yaala magaalada Anakara, waxayna si gaar gaar ah ula kulmayaan wasiirka arimaha dibadda Turkiga Fidan Hakan, oo isagu doonayo sidii Itoobiya qeyb looga siin lahaa badda Soomaaliya.

Ilo wareedyo ka ag dhow kulanka oo la hadlay warbaahinta Maraykanka, balse diiday in magacooda la shaaciyo, ayaa tilmaamay in maalintii shalay oo Isniin ahayd uu Hakan min labo jeer la kulmay wufuuda Dowladda Federaalka iyo Itoobiya.

Illaa iyo hadda waxaan suurogalin isku dayo lagu doonayay in labada dhinac si fool kafool ah lagu kulansiiyo, waxaana qodob weliba oo laga doodayo marba loo geynayaa labada dhinac, dowladda Turkiga ayaana wada galaangal ballaaran oo ay ku dooneyso in mar un labada dhinac isku hor fadhiistaan.

Marka laga hadlayo waxa ugu weyn ee labada dhinac isku diidanyihiin, sida ay tilmaamayaan dad xog ogaalka ah, waa iyadoo dowladda Itoobiya diidantahay iney ka laabato heshiiskii ay horey ula gashey maamulka labaxay Soomaaliland, halka Dowladda Federaalka ay ku adkeysaneyso in marka hore heshiiskaas laga noqdo, iyaduna ay diyaar u tahay in Itoobiya ay siiso qeyb kamid ah badda Soomaaliya.

Wafdiga dowladda Itoobiya ku matalaya wadahadallada ayaa lagu soo waramayaa iney soo jeediyeen in Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh ay u cusboooneysiiso keliya heshiis horey u dhexmaray Farmaajo iyo Abey Axmed oo Itoobiya lagu siiyay afar dekadood oo Soomaaliya leedahay.

Dhanka Dowladda Federaalka waxay ilo wareedyadu tilmaamayaan inaaney aqoonsaneyn heshiiskaas, laakiin ay diyaar u yihiin in iyagu ay Itoobiya siiyaan qeyb kamid ah badda Soomaaliya, is-afgarad cusubna lagaaro.

Marka la isku soo xooriyo, Dowladda Federaalka ma diidana doodna kama qabto in dowladda Itoobiya la siiyo qeyb kamid ah badda Soomaaliya, laakiin waxay dooneysaa in qandaraaska heshiiskaas iyo is-afgaradkiisuba iyadu qaadato, oo aaney aqoonsaneyn heshiisyadii ay saxiixeen Muuse Biixi iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhinaca dowladda Turkiga, waxay tilmaameysaa iney iyadu dhex-dhexaad ka tahay khilaafka ka dhexeeya dowladda Federaalka iyo Itoobiya, waxaase la yaab leh in Xasan Sheekh Maxmuud uu horey u sheegay in Turkigu difaacayo badda Soomaaliya, taas bedelkeedana uu Turkigu qaadanayo naftada iyo gaaska laga soo saarayo badda Soomaaliya.

Weli dhinaycada Itoobiya iyo Dowladda Federaalka ayaa ku sugan magaalada Ankara, waxaana warbaahinta Turkiga ay tilmaamayaan in wadahadalladu ay qaadan karaan waqti dheer, oo ay suuragal tahay iney gaaraan illaa September.

Waxaa muuqaneysa iney jiraan shirqoollo daaha gadaashiis lagu malleegayo, aqoonyayanno badan ayaana tilmaamaya in waqti dheereynta looga gol leeyahay in lagu seexiyo bulshada Soomaaliyeed ee hadda soo jeeda, iyagoo war moog ahna la rabo in saq dhexe Itoobiya lagu wareejiyo badda Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaa weligeed lahayd damac soo jireen ah oo la xiriira sidii ay u qabsan lahayd biyaha Soomaaliya, ujeedadeeduna waa mid ka weyn marin biyood ganacsi, waxaana daliil ku ah tobanka kun ee askari ee ciidanka badda oo ay Itoobiya tababaratay, arinkaas oo ay ka gacan siisay dowladda Faransiiska, ee caanka ku ah aflagaadada Rasuulka Salla-llaahu Caleyhi Wasallam.

Halkaan ka Dhageyso Warbixinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular