HomeAll newsItoobiya oo Kordhisay Korontada uu Dhaliyo Biyo-Xireenka An-Nahda ee An-Niil.

Itoobiya oo Kordhisay Korontada uu Dhaliyo Biyo-Xireenka An-Nahda ee An-Niil.

Dowladda Itoobiya ayaa si ramsi ah u sheegtay iney kordhisay korontada uu dhaliyo biyo xireenka An-Nahda ee ay ka dhistay webiga An-Niil.

War kasoo baxay hay’adda gacanta ku heysa biyo xireenka An-Nahda, ayaa lagu sheegay in marxaladdii dhismaha biyo xireenka uu soo gebo-geboobay, markanna ay billaabatay shaqada.

Waxay intaa ku dartay in labo Torbin uu midkiiba uu soo saaro dab dhan 400 Megawat uu shaqo billaabay, halka ay horey usii shaqeynayeen labo torbin oo midkiiba uu dhalinayay dab dhan 375 Megawat, taasoo ka dhigan in wadarta dabka uu dhaliyo biyo xireenka ay iminka gaareyso 1550 Megawat.

Biyo xireenka An-Nahda ayay dowladda Itoobiya ku howlaneyd dhsimihiisa muda sanado ah, waxayna u aragtaa inuu yahay mashruuc qaran oo Itoobiya u horseedaya iney kamid noqoto dalalka ugu wax soo saarka badan Afrika, marka laga hadlayo korontada.

Biyo xireenkan ayaaa saameyn ku yeeshey sadkii ay biyaha An-Niil ka helayeen dalalka Masar iyo Suudaan, dalalkan ayaana qaadin wax tallaabo ah oo aan ka ahayn cambaareyn afka ah, taasoo aanu Abey Axmed marnaba dheg jalaq u siinin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular