Itoobiya ayaa Sheegtay in iyadoo aan xitaa kamid ahayn ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, ay dalkan kula dagaallami doonto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Afhayeenka Wasaaradda arimaah dibadda Itoobiya Nebiyu Tedla, ayaa sheegay in si madax banaan ay Soomaaliya uga sii wadi doonaan duullaankooda.
Tallaabadan ayaa ah mid muujineysa inaaney Itoobiya aqoonsaneyn jiritaanka Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxmuud.
Dhawaan ayay ahayd markii Xasan Sheekh Maxmuud, madaxweynaha Dowladda Federaalka sheegay in Itoobiya aaney Soomaaliya u aqoonsaneyn dal madax banaan, islamarkaana dooneyso in dhulkii ay horey uga qaadatay ku kale ku darsato.