Jabhad looga dhawaaqay degaanno katirsan goballada Woqooyi ee Soomaaliya ayaa ku hanjabtay iney qaadeyso weeraro ka dhan ah maamulka la baxay Somaliland.
Jabhaddaan oo la magac baxday Sancaani2 ayaa waxa ay shaaca ka qaaday, in la gaaray xilligii ay dagaal toos ah ku qaadi laheyd maamulka Somaliland.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Jabhadda ayay tallaabada ay qaadi doonto ugu sababeeysay, kadib markii ay wax jawaab ah ka heli waayeen maamulka.
Waxa ay digniin udireen dhammaan ciidamada iyo shaqaalaha maamulka la baxay Somaliland, iyagoo ku wargaliyay iney si dhaqsiya uga baxaan degaannada ay kusoo wajahan yihiin.
Hogaamiyaha jabhaddaan oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in ay iska dul qaadi doonaan maamulka Somaliland oo uu sheegay inuu boob iyo bililiqo ku hayo Dadka, isagoo ciidanka iyo shaqaalaha Somaliland ku wargaliyay iney isaga baxaan degaannada ay weerarada ka billaabi rabaan.