HomeAll newsJamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin oo Howlgallo ka Fulisay Maali & Burkina...

Jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin oo Howlgallo ka Fulisay Maali & Burkina Faso.

Mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqa ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay baahisay bayaanaat dhowr ah, oo lagu soo gudbinayo howlgallo malamihii tagay iyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay dalalka Maali iyo Burkina Faso.

19kii Safar, ciidamada Nusratul Islaam wal Muslimiin ayaa ka hortagay isku dayo ay wadeenka Burkina Faso iney isugu fidiyaan deegaanno katirsan gobolka Kaya ee wadankaas.

Waxaa lagu dilay weeraradan ugu yaraan 2 askari, halka laga furtay qoriyaashii ay wateen, ciidankii kale ayaana ka firxday goobta dagaalka.

22-kii Safar, ciidamada jugta culus ee Nusratul Islaam wal Muslimiin, ayaa hoobiyaal ku garaacay saldhig milliteri oo ay magaalada Nambala ee gobolka Sigo ku leeyihiin ciidamada Maali, lamana helin faafaahin ku aadan khasaaraha.

23-dii Safar, ciidamada mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin, waxay weerar ku qaadeen bar kontorool oo magaalada Niyuuruu oo dalka Maali ku lahaayeen ciidamada ammaanka.

Weerarka kadib, ciidamadii ku sugnaa barta kontorool ayaa cararay, gobotana waxaa lagu gubay gawaari dagaal, halka ay soo furteen ciidamada Mujaahidiinta hub kala duwan.

24kii Safar, ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin, ayaa la wareegay saldhiga laga waardiyeeyo jihada galbeed ee magaalada Goosi, goobtana waxaa lagu dilay 2 askari, halka saldhiga gebi ahaanba la burburiyay.

26-kii Safar, ciidamada Nusratul Islaam wal Muslimiin, waxay weerar ku qaadeen bar kontorool oo ay ciidamada Burkina Faso ku leeyihin deegaan katirsan gobolka SOom, weerarka ayaana lagu soo furtay qanaa’im kala duwan.

Nusratul Islaam wal Muslimiin, ayaa weeraro joogto ah ka fulisa dalal dhaca galbeedka Afrika, waxaana mudooyinkii u dambeeyay ay howlgalladu ahaayen kuwa xowli ku socda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular