Booliiska dalka Uganda, ayaa sheegay inuu sii kordhay khasaaraha ka dhashey dhul go’ ka dhacay goob qashin qubka lagu uruuriyo oo ku taalla magaalada Kampla ee caasimadda dalka Uganda.
Ugu yaraan 26 qof ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen dhul go’an, halka illaa iyo hadda lala la’yahay 39 ruux, kuwaasoo ay u badantahay iney dhinteen, maadaama dhul go’an uu dhacay todobaadkii hore.
Dhul go’an ayaa sababay iney dhulka galaan guryo badan iyo dadkii ku noolaa, illaa iyo hadana waxaa socda isku dayo lagu doonayo in lagu badbaadiyo dadka ay dhici karto iney noolyihiin, inkastoo rajadu liidato.
Dhul go’an ayaa yimid, kadib markii roobab xoogan ay ka da’een dalka Uganda todobaadyadii lasoo dhaafay, kuwaasoo sababay daadad xoogan.