Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa lasoo sheegayaa iney wado dhaqdhaaqyo ay ku dooneyso in Soomaaliya ay ka dhigto goob ay kula dagaallanto dowladda Masar.
Korneyl Aadan Rufle oo kamid ah saraakiisha dowladda fedaraalka ayaa sheegay, in Itoobiya ay udiyaar garowday in Masar oo dhawaan heshiis lagu sheegay iskaashi xagga difaaca amniga la gashay dowladda fedaraalka ay dooneyso iney kula loollanto gudaha dalkaan.
Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan nawaaxiga Zeylac iyo degaanno kale ayuu tilmaamay in heegan la galiyay, ciidanka hadda dalka ku suganna ay yihiin kuwa ka badan inta udiiwaan gashan howlgalka ciidamada shisheeyaha ATMIS ee duullaanka ku jooga dalka.
Dadka Soomaaliyeed ayuu sheegay ineysan kalsooni ku qabin dowladda fedaraalka, isagoo tusaale usoo qaadanayay hubkii dhawaan ay dowladda Xabashida Itoobiya dalka soo galisay ayuu sheegay in dowlad cadow ah lagu casuumay Soomaaliya.
Laba maalmood kahor ayay aheyd markii dowladda Fedaraalka ay Masar la gashay heshiis lagu sheegay iskaashi xagga difaaca amniga ah, kaas oo yimid kadib markii ay fashilmeen wadahadalladii magaalada Ankara uga socday dowladda fedaraalka iyo xukuumadda Xabashida Itoobiya, kaas oo qeyb kamid ah badda Soomaaliya lagu siinayay Xabashida.