Magaalada Jineefa ee dalka Swizerland ayaa waxaa ka furmay shir ballaaran, oo looga hadlayo colaadda wadanka Suudaan, kaasoo ay garwadeyn ka yihiin Maraykanka iyo maamulka Aala-Sucuud.
Waxaa shirka uu socon doono muda toban maalmood ah, waxaana korjoogteynaya xubno ka socda Midowga Afrika, Masar, Imaaraatka Carabta iyo Qaramada Midoobay.
Milltieriga wadanka Suudaan ayaa ka maqan shirkan, waxaana ay diideen iney ka qeybgalaan, iyadoona maalintii shalay wasiirka arimaha dibadda Maraykanka Antony Blinkin uu ugu baaqay hogaanka milliteriga Suudaan iney kasoo qeybgalaan shirka.
Milliteriga Suudaan ayaa dood ka muujinaya waxa keeney in shirka laga soo raro dalka Sucuudiga, lana geeyo dalka Swizerland, horey ayayna u sheegeen inaaney diyaar u ahayn ka qeybgalka shirar aan wax natiijo ah laga fileynin.
Maraykanka ayaa ku doodaya in shirkan lagu raadinayo sidii xal loogu heli lahaa in gurmadka banii aadamnimo la gaarsiiyo dadka u baahan, iyo in la damaanad qaado in la ilaaliyo shaqaalaha ka howlgala arimaha banii Aadamnimada, lagana shaqeeyo sidii xal loogu heli lahaa colaadda wadanka Suudaan.
Maraykanka ayaa hadda u muuqdo mid doonaya inuu meel isaga soo xiro dagaalka Suudaan, si uu ugu gacan banaanaado colaadaha kale ee uu ka harinayo caalamka Islaamka, si gaar ah gumaadka Qazza.