Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay iney Muqdisho ku qabteen dad qaba cudurada halista ah sida Hiv-Adis iyo cudurka beerka ku dhaca ee Habitaaytis.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ugu yaraan 35 ruux oo isuga jira Soomaali iyo Shisheeye laga heley cudurka Aidiska, kuwaasoo ka shaqeynayay goobaha dadweynaha sida xarumaha caafimaadka, goobaha ganacsiga, meelaha la isku qurxiyo.
Wuxuu kaloo sheegay in ugu yaraan 300 oo qof oo iyaguna isuga jira Soomaali iyo Shisheeye laga heley cudurka Hebitaytis.
Muqdisho ayaa waxaa kusoo qulqula shisheeye ka yimid dalalka Afrika ee Nasaarada ah, kuwaasoo dalka soo gala iyagoo aan soo marin baaritaan caafimaad.
Halkan ka dhagayso Warka kasoo baxay Maamulka gobolka Banaadir.