Kulan ballaaran oo ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Bakool, ayaa waxaa heshiis nabadeed lagu dhex dhigay labo beelood oo walaalo ah, kuwaasoo ay xurguf soo kala dhexgashey.
Beelaha Hadame iyo Jiroon oo kamid ah qabaa’ilka dega gobolka Bakool, ayaa ka heshiiyey mad-madow u dhexeeyay waayadii u dambeysay, waxaana kulan ballaaran isugu yimid odayaasha labada qabiil.
Wilaayada Islaamiga ee Bakool ayaa qaban-qaabisay kulanka, garwadeenna ka ahayd heshiiska, waxaana munaasabadda sulxiga labada qabiil ee walaalo ah goobjoog ahaa warbaahinta Islaamiga.
Halkan ka dhagayso munaasabadda heshiiska labada beel ee walaalaha ah.