Wararka ka imaanaya Marinka Qazza, ayaa kusoo waramaya in diyaaradaha maamulka Yahuudda ay geysteen mid kamid ah xasuuqyadii ugu arxanka darnaa waayadan ee ka dhaca deegaanada Jiidda Qazza.
Madaraso lagu magacaabo At-Taabiciin oo ku taalla xaafadda Ad-Daraj ee bartamaha Marinka Qazza, ayay diyaaradaha Yahuudda waxay ku garaaceen ugu yaraan 3 gantaal oo midkiiba uu uu culeeskiisu la egyahay 1000.
Xilliga la duqeynayay dadka muslimiinta, waxay tukanayeen salaad, taasoo keentay in dad badan ay mar keliya goobta ku shahiidaan.
Inta haatan la ogyahay waxaa duqeyntan ku shahiiday ugu yaraan 100 ruux, halka la la’yahay dad badan, waxaana kooxaha gurmadka degdega ay wadaan isku dayo gurmad ah.
Maamulka Yahuudda ayaa marka uu geysto duqeymo wuxuushnimo ah, wuxuu ku andacoodaa in goobta uu beegsaday ku sugnaayeen hogaamiyaal sare oo katirsan kooxaha Muqaawamada.