HomeAll newsMacallimiinta Kenya oo Shaqo Joojin ku Dhawaaqay.

Macallimiinta Kenya oo Shaqo Joojin ku Dhawaaqay.[DHAGEYSO]

Ururka macalimiinta Kenya ayaa sheegay in shaqo joojin ay sameyn doonaan bisha September oo ku beegan xilliga ay dib u furmayaan goobaha waxbarashada ee dalkaasi, haddii aanay dawladdu meel marinin hindise sharciyeedyadii maaliyadda ee sannadkan ee guddida adeegga barayaasha.

Macallimiinta Kenya ayaa cabasho ka ah tallaabo ay xukuumaddu ku dhintay miisaaniaydda macallimiinta, waxaana xoghayaha guud ee ururka macallimiinta waxbarashada hoose ee Kenya oo lagu magacaabo Akiilo Misoori tilmaamay in macallimiintu shaqo joojin sameyn doonaan, haddii aan la tixgelin baaqooda.

Caqabadda iyo culeeska dhaqaale ee heysta macallimiinta Kenya, ayaa lagu qiimeynayaa lacag dhan 10 bilyan oo shilinka Kenya ah, welina madaxweynaha Kenya William Ruto ma saxiixin miisaaniyadda sanadka, taasoo ka dhigan in macallimiintu uu kusii kordhi doono culeeska dhaqaale ee ay wajahayaan.

Cumar Xasan Cabdi oo kamid ah macallimiinta wadanka Kenya wax ka dhiga, ayaa ka hadlay waxa mar weliba soo celceliya cabashada macallimiinta Kenya.

Bisha September ee soo socota oo ah waqtiga dib loo furayo goobaha waxbarashada wadanka Kenya ayaa loo badinayaa in madaarista iyo jaamacaduhu aaney furmin, haddii dowladda Kenya aaney dhageysanin cabashada macallimiinta, Cumar Xasan Cabdi ayaana ka hadlaya saameynta imaan karta haddii ay macallimiinta Kenyaatigu ku dhaqaaqaan tallaabada ay ku goodiyeen.

Dowladda Kenya ayaa wajahaysa xaalad adag, waxaana sii lumaya xasiloonida dalka, iyadoo 8 bishan Agosto ay shacabka Kenya ku ballansanyihiin iney dhigaan bananabaxii ugu waynaa ee ka dhaca dalka Kenya, kaasoo ay kaga soo horjeedaan hannaanka mamaul ee dowladda uu hogaamiyo Uhuru Kenyata, gaar ahaan dhanka canshuuraha iyo maaliyadda.

Halkaan ka Dhageyso Warka Macallimiinta Shaqa Joojinta ku Hanjabtay

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular