Warbaahinta FANO ayaa baahisay, in maleesiyaadkooda ay gacanta ku dhigeen magaalo istaraatiiji ah oo ku taalla xuduudda Suudaan, halkaas oo ay kala wareegeen ciidanka Xabashida Itoobiya.
Waxaa magaalada ay la wareegeen lagu magacaabaa Gelegu, taasi oo u dhow xuduudka uu ismaamulka Amhara la wadaago waddanka Suudaan.
Tani ayaa kusoo aadeysa iyadoo maalmo kahor ay fallaagadu sheegtay, in ciidan xoog leh ay geysay islamarkaana ay horumarro ka sameeyeen magaalada Lemi oo 126km u jirta magaalada Addis-ababa ee caasimadda u ah dowladda xabashida, halkaas oo ay tilmaameen inay jab lixaad leh ku gaarsiiyeen ciidamada millatariga.