Ugu yaraan 13 ruux ayay xabsiga dhigeen maleeshiyaadka Liyu Bolis ee daacadda u ah dowladda Xabashida Itoobiya, kuwaas oo ay ka qafaasheen qeybo kamid ah dhulka Somali-galbeed.
Degmooyin katirsan gobalka Liibaan oo kamid ah dhulka Somali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Xabashida ayay maleeshiyaadka Liyu Boliska ka qafaasheen dadkaan rayidka ah.
Dadka ay xireen ayaa waxaa ku jira xoola dhaqato ka yimid dhulka baadiyaha ah ee ku yaalla gobalka, kuwaas oo iyagoo aan waxba galabsan xabsiga lagu guray.
Mid kamid ah dadka degaanka ayaa sheegay, in Liyu Bolisku ay xasuuq ka wadaan degaanka, isagoona xusay in maamulka ay Xabashida dhulkaasi ka dhisatay uu dadka ku hayo caburin iyo dhibaatooyin kale.