HomeAll newsMalleeshiyaadka RSF oo Kudhawaad 100 Ruux Ku dilay Suudaan.

Malleeshiyaadka RSF oo Kudhawaad 100 Ruux Ku dilay Suudaan.

Waxaa dalka Suudaan weli kasii soconaya tacadiyaadka ka dhanka ah bulshada, ee ay geysanayaan malleehiyaadka ku daaban Imaaraatka Carabta iyo Ruushka ee loogu yeero Ad-Dacmu Sariic.

Malleeshiyaadka RSF ayaa markale weerar xasuuq ah ka geystay gobolka Sanaar ee koonfur bari dalka Suudaan, halkaas oo ay ku dileen kudhawaad 100 ruux, kuna dhaawacmeen tiro kale.

RSF ayaa weerar culus ka geysatay tuulo lagu magacaabo Jalnaqi oo katirsan gobolka Sanaar, waxaana halkaas lagu dilay ugu yaraan 80 ruux, halka tobanaan kalena ay dhawaacyo yihiin.

Ilo wareedyo caafimaad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhaawacyada qaar ee isbitaallada la keeney ay xaaladooda aad u liidato, suuragalna ay tahay iney goor kasta dhintaan.

Shaqaale caafimaad oo la hadlay wakaaladda wararka ee Faransiiska ayaa tilmaamay in indhihiisa uu ku arkay ugu yaraan 55 ruux oo meyd ah, kuwaasoo dhamaantooda shacab ay xasuuqeen ciidamada RSF.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ciidamo watay saddex gaari oo noocyada dagaalka ah ay soo gaareen tuulada, iskuna dayeen iney xoog ku galaan guryaha, laakiin waxaa dagaal kala horyimid addka deegaanka.

RSF ayaa dib uga gurtay tuulada ay weerarka kusoo qaadeen, laakiin waxay soo noqdeen iyagoo ah ciidamo tirobadan oo watay ugu yaraan 10 kamid ah gaadiidka dagaalka, si aan kala sooc lahayn ayayna rasaasta ula dhaceen dadka ku noolaa deegaanka.

Marka laga yimaado dadka ay gumaadeen, waxay malleeshiyaadka RSF gubeen guryihii tuulada, iyadoo ay jiraan meydadka qaar oo gubtay, saacadana banaan cidla ah yaalay.

Bishii June ee aynu soo dhaafnay, ayay ahayd markii kooxda RSF ay xasuuq bahalnimo ah ka geysatay isla gobolka Sanaar deegaanno katirsan, halkaas oo ay ku dishey ugu yaraan 180 ruux oo shacab ah.

RSF ayaa ah malleeshiyaad uu hogaamiyo dagaal ooge lagu magacaabo Doqlo, wuxuu xilligan la joogo taageero iyo taakulaba ka helaa dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Ruushka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular