HomeAll newsMaraykanka Oo Ciidamo Dheeraad ah Geeyay Mandiqadda Bariga Dhexe.

Maraykanka Oo Ciidamo Dheeraad ah Geeyay Mandiqadda Bariga Dhexe.

Dowladda Maraykanka ayaa dareemeysa halisyo amni oo soo wajahay masaalixdeeda ku firirisan dunida, gaar ahaan mandiqadda muhiimka ah ee loo bixiyay bariga Dhexe, waxaana halista ugu weyn wajahaya amniga maamulka Yahuudda, oo ilaalintiisu Maraykanka uga dhigan hadafka koowaad ee siyaasadda arimaha dibadda.

Maraykanka ayaa sheegay in mandiqadda ay u direen ciidamo dheeri ah, si loola macaamilo ixtimaal kasta oo imaan kara, oo ay kamid tahay dagaal furan oo dhexmara maamulka Yahuudda iyo dowladda shiicada ah ee Iiraan.

John Kerby oo ah masuul Ameerikaan ah, kana tirsan waxa loogu yeero golaha amniga qaranka Maraykanka, ayaa sheegay in ciidamo, diyaarado iyo maraakiib dagaal ay u direen saacadihii lasoo dhaafay mandiqadda, ujeedadooduna tahay isdifaac, iyo iney u toog hayaan wax weliba oo dhici kara.

Saraakiisha Maraykanka ayaa muujinaya walaac la xiriira suurtogalnimada dagaal ballaaran oo furan oo ka qarxa mandiqadda, iyadoo la hadal hayo suurtogalnimada in dowladda Iiraan ay jawaab ka bixiso dilkii dalkeeda loogu geystay Ismaaciil Haniyah, oo ahaa hogaamiyihii garabka siyaasadda ee Muqaawamada Filastiin.

Iyadoo qeyb ka ah hubanti la’aanta ka jirta gobolka, ayay dowladaha Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo kuwa kale oo galbeedka dhaca, waxay muwaadiniintooda ku amreen iney sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo baxaan dalka Lubnaan, oo ay saldhigyo waaweyn ku leedahay kooxda shiicada ah ee isku magacwday Xisbullaah.

Jeneraal Mijal oo ah taliyaha ciidamada Maraykanka ee mandiqadda Bariga dhexe, ayaa maalintii shalay booqasho aan lasii shaacin ku tagay deegaannada uu xooga ku heysto maamulka Yahuudda, wuxuuna halkaas kula kulmay madaxda sar sare ee Yahuudda.

Maraykanka ayaa aad uga walaacsan amniga Yahuudda xooga lagu dejiyay bartmaha dhulka muslimiinta, wuxuuna hadda diyaarinayaa isbaheysi ka kooban dowladaha caalamka oo ka qeyb qaata difaaca Yahuudda, si aanu keligii u qaadin culeeska dagaalka, tan ayaana ah siyaasad uu Maraykanku caan ku yahay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular