Sarkaal sare oo katirsan dowladda Maraykanka, ayaa sheegay iney hayaan xogo sirdoon oo tilmaamaya in iskaashi xaga milliteriga ah uu dhexmarayo kooxda Xuuthiyiinta ee ka taliso qeybo kamid ah Yemen iyo dowladda Ruushka.
Sarkaal Ameerikaan ah oo la hadlay wargeyska Middle East Aye ee kasoo baxa dalka Ingiriiska, ayaa sheegay inuu jiro dareen xoogan oo qeexaya, in saraakiil katirsan dowladda Ruushka gaar ahaan qeybta sirdoonka, ay ku suganyihiin dalka Yemen, iyagoo garab siinaya kooxda Xuuthiyiinta.
Maraykanka ayaa aaminsan in saraakiisha Ruushka ay Xuuthiyiinta siinayaan talooyin iyo tabo la xiriira beegsiga maraakiibta iyo doomaha mara xeebaha Badda Cas, kuwaasoo bilihii ugu dambeeyay ay fulinayeen kooxda Xuuthiyiinta.
Middle East Aye ayaa tilmaamaysa in Butin oo ah madaxweynaha Ruushka uu mar ku fakaray sidii uu Xuuthiyiinta u siin lahaa sawaariikh saameyn leh, laakiin uu arinkaasi ka noqday markii uu soo farageliyay Muxamad bin Salmaan oo ah dhaxalsugaha maamulka Aala-Sucuud.
Dowladda Maraykanka ayaa aaminsan in Ruushka uu hubeynta Xuuthiyiinta kaga dan leeyahay in Maraykanku ku qasbo ka joogsiga hubeynta dowladda Ukraine, oo ay dagaal adag kula jirta Ruushka.
Horay ayuu Butin oo ah madaxweynaha Ruushka u sheegay in dowladiisu ay hubeyneyso cadowga Maraykanka, haddii Ukraine ay siiyaan hub casri ah oo suurogelin kara weeraro ka dhaca gudaha Ruushka.